Ilaa iyo intii ladoortay dowladda Soomaaliya waxaad arkeysaa in ay ku mashquul san yihiin diyaarad hebel baan raacay iyo dal hebel ayaan aadey, iyo dowalad aan faa'iido ugu jirin in la'aado ayaan tagnay.
Waxaa dowladda Soomaaliya ayku lumisaa lacago gaaraya malaayiin iyo malyuunaadba , iyagoo ka isticmaalaya keydka lacagaha adag ee dowladda Soomaaliya.
Habba baxaan oo ha safraan haddii ay faa'iido ka keenayaan .
Waxaa qalad ah iney ku tagrifalaan lacagta loogu tallo galey dadka barro kacayaasha ama dadkii ay wax yeeleysay abaartii Siman ee ka dhacday dhamaan dalalka kala duwan ay Somalidu dagto.
Dowladan maanta ka talisa Soomaaliya waxaad moodaa iney faradheereysay dawladii hore ee Xasan Sh. Maxamuud, taa waxaa ka sii daran shanta maamul gobaleedo madaxweynayaashooda iyana waxay soo kireystaan diyaarado lacago badan qaata.
Hadab haddii ayna labo magaalo isku gudbi karin xaga dhulka ama labo maamul gobaleedyo , maxaa hantidii umada lagu sadaqeystay ay ugu ciyaarayaan oo u burburinayaan.
Miyaaneyn ogeyn masuuliyada hayaan in Aaqiro laeydiineyn.
Comments
Post a Comment