Ilaa iyo intii ladoortay dowladda Soomaaliya waxaad arkeysaa in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya
Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra'iisul wasaara dawlada somaliya Xasan Cali kheyre iyo wasiiradiisu
in ay ku mashquul san yihiin diyaarad hebel baan raacay iyo dal hebel ayaan aadey ama tagey.
Waxaa dowladda Soomaaliya ayku lumisaa lacago gaaraya malaayiin iyo malyuunaadba , iyagoo ka isticmaalaya keydka lacagaha adag ee dowladda Soomaaliya.
Habba baxaan haddii ay faa'iido ka keenayaan .
Habba baxaan haddii ay faa'iido ka keenayaan .
Waxaa qalad ah iney ku tagrifalaan lacagta loogu tallo galey dadka barro kacayaasha ama dadkii ay wax yeeleysay abaartii Siman ee ka dhacday dhamaan dalalka kala duwan ay Somalidu dagto.
Dowladan maanta ka talisa Soomaaliya waxaad moodaa iney faradheereysay dawladii hore ee Xasan Sh. Maxamuud,
taa waxaa ka sii daran shanta maamul gobaleedo madaxweynayaashooda iyana waxay soo kireystaan diyaarado lacago badan qaata.
Hadab haddii ayna labo magaallo isku gudbi karin xaga dhulka ama labo maamul gobaleedyo isku gudbi karin xaga dhulka,
maxaa hantidii umada lagu sadaqeystay ay ugu ciyaarayaan oo ay u khasaarinayaan
Comments
Post a Comment