Dhul gariir ka dhacay dhanka badda oo gariir tay ayaa ka dhacay meel u dhow xeebaha bari
ee Buntland (puntland ) , wax qasaaro ah ilaa iyo imika lama sheegin , dad goob joogayaalah ayaa sheegay inay xalay xili danbe ay maqleen guuxa badda oo batay iyo hirar buuraha leeg
Dhul gariir halbeegiisu ahaa 5 rektar iskeel ayaa la sheegay fiidnimaddii xalay inuu ku dhuftay
deegaan 106 mayl dhanka Waqooyi galbeed kaga toosan degmadda Bereeda oo u dhow degmadda Caluula ee gobalka Bari.
Warbixinta la xiriirta dhul gariirka ayaa waxaa tabisay hay’adda Maraykanka ee sahminta
jiyoolajiyadda , waxaana ay hay’adda sheegtay inuu dhul-gariir ka dhacay duleedka Breeda abaarihii
07-dii iyo 12 daqiiqo ee fiidnimadii xalay, wuxuuna ubucda dhul-gariirka ahaa ilaa 10 km oo xagasha
waqooyi ahayd 13.3039 digirii iyo fogaanshaha 50.449 digirii ee cabirka masaafadda u dhexeysa
bariga cirifka waqooyi ilaa cirka Koonfureed. Dhul gariirka xalay ka dhacay duleedka degmadda
Bareeda ayaa la sheegay inuu ahaa mid qafiif ah, lamana soo sheegin khasaaro soo gaaray dadka ku nool deegaankaasi.
Comments
Post a Comment